Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caawa kormeeray qaar ka mid ah kontorolada laga soo galo Magaalada Muqdisho.
Kormerkaan ayaa waxa ku wehliyay Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano iyo Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banaadir.
Advertisement
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa kormeeray ollole Nadaafadeed oo ka socday qeybo ka mid ah Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.
Duqa Magaalada iyo ku xigeenkiisa wuxuu sidoo kale booqday qaar la mida goobaha ganacsiga xaafdaha qaarkood isagoo gacan qaaday dadka shacabka ah ee halkaasi ku sugan.
Advertisement