Sida lagu shaaciyay raadiyaha ciidamada Dowlada Somalia Degaanka Daynuunay ee gobolka Baay waxaa saaka ka dhacay qorsheysan kaasoo ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad.
Howllgalka ayaa lagu dilay 7 ka mid ah maleeshiyaadkii khawaarijta ee ku sugnaa deegaankaas, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka.
L/X/le Cabdi Raxmaan Nishow, ayaa warbaahinta u sheegay in hawlgalku uu u dhacay sidii loo qorsheeyey, islamarkaana ay ciidanku si guul leh uga soo laabteen. Wuxuu xusay in weerarkan uu qayb ka yahay dadaallada lagula dagaalamayo kooxaha nabad-diidka ah ee ku sugan gobollada Bay iyo Bakool.
Advertisement