Imisa Madaxweyne ayay Alshabaab isku dayeen inay dilaan

Siyaasiga Soomaaliyeed Cali Yarre oo mar soo noqday Gudoomiye ku xigeenkii Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isku soo duway inta jeer ee Alshabaab isku dayeen dilka Madaxweynayaashii Dalka Somalia soo maray.

Qoraalka uu soo diyaariyay Cali Yarre Cali ayaa sidan u qornaa:-

Laga soo billaabo 2006 tiro-ahaan 7 jeer ayay Khawaarijtu isku dayday in ay madaxweyne Soomaaliyeed dilaan wuxuuna midkiisii koowaad 17 Sept 2006 markii labo qarax oo isxigtay lala beegsaday AUN. Madaxweyne Abdullahi Yusuf oo ka soo baxay xarunta ADC ee Baydhabo.

Madaxweyne Shariif xaflad uu tagi lahaa, Fiyoore hortiisa la dhigay ayay mar qarax u galiyeen waxaana fashiliyay ilaalada madaxweynaha (Taariikhdii ma hubo)

Qarixii labaad ee ugu dhawaa wuxuu ahaa midkii Hotel Jazeera lagula eegtay Madaxweyne Xasan Sheekh September 2012 iyada oo madaxweynuhu dooran yahay wax ka yar 48 saacadood.

February 21, 2014, ayay cadowgu mar kale masaajidka madaxtooyada ku weerareen madaxweyne Xasan Shiikh waloow aanu masjidka joogin xilligaas oo aheyd intii aanu baran inuu mowlaca madaxtooyada ka soo dhex dagaalamo.

Kan Saddexaad wuxuu ahaa markii Khawaarijtu qorsheeysay dilitaanka Madaxweyne hore Farmaajo oo nimankii dili lahaa gaari uu nin Xildhibaan ah leeyahay lagu soo galiyay goobta kadibna ay sirdoonka soomaaliya heleen xogta dilka sidaasna loo fashiliyay.

Hal arrin doodi kama taagna waana inuu Xasan Shiikh yahay madaxweynaha ay Khawaarijtu ugu neceb tahay madaxda soomaalida.May be an image of 1 person and text that says "ST SOMALI TOLK MEDI MEDINEWS NEWS ANIGA IMA DILI KARAAN INTA WAQTIGEYGU DHIMAN YAHAY""
Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here