
Shirkan oo la qabto labadii sanaba mar ayaa kalfadhigiisan 14-aad, oo soconaya ππ-ππ-π€π πππ«ππ‘ ππ ππππ, waxaa looga doodayaa qaabka loo dhigayo maalgelinta ajandaha horumarka oo ay qaddiyadaha deymuhuna udub dhexeed u yihiin.
Waxyaabaha shirkan lagu sahminayo waxaa ka mid ah raadinta xalal wax looga qabanayo xiisadaha deymaha adduunka, iyo hindisidda istiraatiijiyado lagu maareeynayo deymahaas, iyada oo diiradda la saarayo xoojinta adkeysiga, maareynta iyo wax-ka-qabashada qataraha xiisadaha adduunka ka jira.
Hantidhowraha Guud ee JFS ayaa shirkaas ku metelay Soomaaliya oo qeyb ka ah dalalka maareeyey deymihii lagu lahaa, kadib markii ay si fiican uga shaqaysay qaariiraddii deyn-cafinta oo ay ugu dambeyn dowladdu ku guuleystay.





Advertisement