Maamulka Puntland muxuu ka yiri sida uu u dhintay Daacish-kii xabsiga ku jirey

Wararka Maanta: Talaado, Mar 18, 2025-Cabdiraxmaan Laahoor oo iskasoo  dhiibay kooxda Daacish oo ku geeriyooday xabsi Boosaaso kuyaalaBOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Cabdiraxmaan Shirwac oo caan ku ahaa Laahoor ayaa habeen hore ku dhintay xabsiga Boosaaso xili uu ahaa daacish dhawaan isass oo dhiibay,balse muran badan ayaa ka dhashay dhanka baraha bulshada marka la eego sida uu u dhintay.

Wararka ugu badan ayaa tilmaamayay in si siyaasadeysan Maamulka Puntland u dileen C/raxmaan Laahoor madaama uu markii horaba Daacish ugu qaabilsan fulinta dilalka qorsheysan xili gacantiisa ay ku baxeen dad badan inkastoo uu isa soo dhiibay.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi siiyay BBC-da laanteeda afka Soomaalida ayaa xaqiijiyay ugu horeyn geerida Cabdiraxmaan Laahoor.

Wasiirka wuxuu beeniyay wararka la wareejinayo baraha bulshada ee geeridiisa ku tilmaamay mid maamulka ka dambeeyay ,wuxuuna  tilmaamay inuu dhiigkar qabay.

“waxba kama jiraan  wararka qaar ee sheegaya in si badqab ah uu  ku seexday, islamarkaana loogu tagay halkii uu ku xirnaa isagoo meyd ah”ayuu yiri

“Dagaalka dadkii laga soo qabtay oo isa soo dhiibay buu ku jiray, nin weyn buu ahaa, dhiigkarna wuu lahaa, dhiigga ayaa ku karay, dhiiggiisa ayaa la dajin waayay, habeen hore dhaqtar baa la geeyay, dhaqtarkuu ku dhintay”. ayuu yiri wasiirka

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here