Taageerayaasha Liverpool Oo Si Xun U Dhaleeceeyay Henderson Kadib Markii Muuqaal Uu Kala Soo Muuqday Dan Burn

Taageerayaasha Liverpool ayaa dhaleeceeyay Jordan Henderson kadib markii muuqaal uu kula galay Dan Burn xerada xulka England lagu baahiyay baraha bulshada.

Henderson ayaa caro ku beyray taageerayaasha Liverpool kadib markii muuqaal uu la galay Dan Burn oo ku sugan xerada tababarka xulka England uu soo baxay.

Burn ayaa markii ugu horreysay looga yeeray xulka England kaddib markii uu gool ka dhaliyay Liverpool kulankii kama dambaysta ee Carabao Cup, taasoo ay Newcastle United ku guuleysatay 2-1 Axaddii la soo dhaafay.

Waxa uu ka mid noqday xulka England ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee dhici doona dhammaadka bishan, halka Henderson oo ah kabtankii hore ee Liverpool uu isna ku jiro liiska ciyaartoyda uu xushay Thomas Tuchel tan iyo markii loo magacaabay tababaraha cusub.

Ciyaartoydu waxay isugu yimaadeen St. George’s Park Isniintii waxayna ku jireen tababar ay la qaadanayeen kooxda da’da ka hooseysa 21 jirada.

Markii la yimid, waxa shaashadda weyn laga daawaday guushii Newcastle ee Carabao Cup, iyadoo Burn uu daawanayay madaxii uu ku hoggaamiyay kooxdiisa guusha.

Difaaca dheer ayaa mar kale daawanayay finalka isaga oo la jooga Henderson, kaasoo lagu arkay isagoo qoslayo isla markaana la kaftamaya saaxiibkiisa caalamiga ah.

Is-dhaafsigaas dhexmaray Henderson iyo Burn ayaa ka careysiiyay taageerayaasha Liverpool, maadaama uu Henderson muddo dheer u soo ciyaaray Anfield.

Taageere isticmaala baraha bulshada ee X ayaa qoray: “Ma aha wax aad u weyn, laakiin kabtankii hore ee Liverpool iyo taageere Sunderland ah oo la kaftamaya ciyaaryahan Newcastle ah oo gool naga dhaliyay oo naga qaaday koobka waa wax lala yaabo haddii aad si qoto dheer u fikirto.”

Mid labaad ayaa qoray: “Wax xiiso leh miyaa, Hendo?”

Mid kale ayaa raaciyay: “Waa kabtankeenii hore,waxa sidan u dhaqmaya.”

Xagaagii 2023, wuxuu u wareegay Saudi Arabia ka hor inta uusan dib ugu soo laaban Yurub isagoo ku biiray Ajax.

Qaab ciyaareedkiisa wanaagsan ayaa dareenka soo jiitay, iyadoo Tuchel uu xushay 34-jirkan.

“Jordan waa ciyaaryahan marar badan guuleystay,” ayuu yiri Tuchel.

“Waa kabtanka Ajax. Waxa uu koox kasta u keenaa hogaamin, dabeecad, tamar iyo shakhsiyad.”

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here