Dowlada Somalia oo ugu dambeyn qiratay in qaraxii maanta lala eegtay kolenyadii madaxweynaha galbineysay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Somalia ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ugu dambeyn qiratay in qaraxii maanta lala eegtay kolenyadii madaxweynaha galbineysay xili ay dhanka kalana Dowlsdu u diiday wariyayaasha in qaraxaasi khasaarihii shacabka ka gaaray la faahfaahiyo.

Warsazaafadeedka waxay Dowladu ku sheegtay in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ka bad baadeen qaraxa islamarkaana aanu jirin wax uu u dhimag ujeedna soxdaalkiisa.

Madaxweynaha wuu nabad qabaa sidiiloo qorsheeyay auuu socdaalkiisa u sii watay,kuna tagay halki uu u socday si nabad ah”ayaa lagu yiri warsafadeedka

Warka Dowlda waxaa lagu xusay kolonyda qaraxa lala eegtay saaka 10:30 ceel-gaabta oo madaxtooyada ku dhaw,sidoo kale Dowladu waxay sheegtay in qaraxa la fashiliyay islamarkaana dhankooda aanu khasaare gaarsiin.

Qaraxa oo shacab ay ku dhinteen ayaa lala eegtay wafdiga madaxweynaha xili saaka uu ku sii jeeday safarkii uu ku aadayay furimaha dagaalka ee Gobolada Hiiiraan iyo shaberlaba dhexe.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here