AADAN YABAAL (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha waxaa soo dhaweeyay Taliyayaasha Ciidamada Milateriga,nabad sugida iyo siyaasiyiin sida Liban iyo sanatar Af-cadeey.
Madaweynaha waxaa lagu wadaa inuu la kulko Saraakiisha ciidanka ee hoggaamineysa dagaalka Alshabaab ka dhanka ah.
Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayuu Madaxweynuhu u gudbi doonaa halkaasoo ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiisa iyadoo uu halkaasi ku sugan yahay Madaxweyne xigeenka Maamulka Hirshabelle.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement