Saka wuxuu maqnaa tan iyo bishii December kadib markii uu laf dhabarka kaga taal ka jabay kulankii ay Arsenal kaga badisay Crystal Palace garoonka Selhurst Park – dhaawac ugu dambeyn keenay in qalliin lagu sameeyo.
Laakiin muhiimaddiisa kooxda Mikel Arteta ayaa wali shaki la’aan ah, iyadoo Arsenal ay diyaarineyso inay la kulmaan wakiillada ciyaaryahanka si ay uga wada hadlaan kordhinta heshiiskiisa.
Arsenal waxay dooneysaa inay ka fogaato wax hubanti la’aan ah oo ku saabsan mustaqbalka xiddigooda, waxaana ay doonayaan in ay Saka u saxiixaan heshiis dheer – taasoo ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay mudnaanta siinayaan.
Xiddiga xulka England oo 23 jir ah wuxuu saxiixay qandaraaskiisa haatan sanaddii 2022, kaasoo la fahamsan yahay inuu yahay mid uu sannadkii ku helayo ugu yaraan £10m.
Laakiin heshiiskaas wuxuu dhacayaa dhammaadka xilli-ciyaareedka 2026-27, waxaana horey loo bilaabay dadaallada lagu furo wada-hadallo rasmi ah, kuwaasoo la filayo inay si degdeg ah u socdaan mustaqbalka dhow.
Kooxo badan oo Yurub ah ayaa si dhow ula socon doona sida wada-hadallada u socdaan, maadaama Saka loo arko mid ka mid ah xiddigaha weerarka ugu wanaagsan Yurub.
Ka hor intii uusan saxiixin heshiiskiisii hore, Manchester City ayaa xiiseyneysay Saka, waxaana la filayaa in markale kooxo badan ay doonayaan haddii wada-hadalladu aysan si fiican u socon.
Laakiin Arsenal waxay rajeyneysaa in heshiis la gaaro, maadaama ay hadda ka mid yihiin kooxaha u tartamaya horyaalka Premier League, halka sidoo kale ka qeyb-galkooda tartanka Champions League uu ka caawin karo in Saka uu mar kale qalinka ku duugo.
Haatan, Saka wuxuu diiradda saaraya soo laabashadiisa, kadib qallinkii lagu sameeyay.
Tababare Arteta ayaa sheegay in Saka uu fursad wanaagsan u haysto inuu ku soo laabto kadib fasaxa ciyaaraha caalamiga ah.
Arsenal kulankooda xiga waa mid ay la ciyaari doonaan Fulham garoonka Emirates Stadium 1-da April.
Saka maaha ciyaaryahanka kaliya ee Arsenal ee galay labo sano ama ka yar oo heshiiskooda ka haray.
Khadka dhexe Thomas Partey iyo Jorginho ayaa heshiisyadooda dhacayaan dhammaadka xilli-ciyaareedkan, waana la filayaa inay baxaan xagaagan sida hadda xaalka yahay.
Leandro Trossard, oo wadahadallo ka yeeshay heshiis cusub, heshiiskiisa haatan wuxuu dhacayaa xagaaga 2026.
Sidoo kale, xiddigaha William Saliba iyo Gabriel Magalhães – oo dhamaantood muhiim u ah Arteta – heshiisyadooda waxay dhacayaan 2027.
Saliba wuxuu bishan sheegay in wada-hadallo rasmi ah oo heshiis cusub looga hadlaya aysan wali bilaaban, balse wuxuu intaas ku daray: “Aniga aad ayaan halkan ugu faraxsanahay, waxaana doonayaa inaan halkaan sii joogo.”
Magalhães isna wuxuu wadahadallo ka yeeshay kordhinta heshiiskiisa. Daafaca reer Brazil ayaa la rumeysan yahay in xiiso uu ka heysto kooxaha ka ciyaara horyaalka Sacuudiga.