Maxaad kala socotaa Dagaalka Saaka ka dhacay nawaaxiga deegaanka Laba-garas

Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka Guullane ayaa weerar ku qaaday xubno Khawaarij ah oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Laba-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiisha Ciidanka Qaranka ayaa noo xaqiijiyey in weerarkan oo bilowday waaberigii hore ee saakay ay ku laayeen maleeshiyaadkii Khawaarijta ee bartilmaameedku ahaa.

Saraakiisha ayaa sidoo kale Warbaahinta Qaranka u sheegay in weli ay sii baacsanayaan firxadka Khawaarijtii ay ku weerareen goobta ay isku aruursanayeen.

Dhinaca kale, waxaa Khawaarijta lagu jabiyay weerar naflacaari ah oo saakay ay isku dayeen inay ku soo qaadaan fariisin Ciidamada geesiyaasha ah ay ku lahaayeen duleedka deegaan lagu magacaabo Ceelbarwaaqo oo ka tirsan Sh/Dhexe, waxaana mar kale halkaas cadowga loogu dhigay cashir lama illaabaan ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here