Afhayeenka hawlgalka Puntland “Weli lama gaarin saldhigyadii waaweynaa ee Daacish

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Iyadoo la ogyahay in mudo bilo ah uu socdo dagaalka Maamulka Puntkland uu ugu magac daray howlgalka ciribtirka argagaxisada Daacish ayaa hadana Afhayeenka hawlgalkaani Gen. Maxamuud Faadhigo wuxuu shaaciyay shir jaraa’id uu qabtay in wali aan la gaarin saldhigyadii waaweynaa ee kooxdaasi.

Af-hayeen Gen. Maxamuud Faadhigo wuxuu daboolka ka qaaday in howlgalku gabaabsi marayo islamarkaana kaliya ay harsan yihiin xarumaha ugu dambeeya iyo meelaha ay madaxda daacish ku dhuumanayaan.

“ciidanku wuxuu qarka u saaran yahay ceelka Miraale oo ah halkii ugu dambaysay ee Daacish awooddeeda isugu geysey kadib qabashadii Turmasaale ilaa Dhasaan”ayuu yiri Afhayeenka.

Gen. Faadhigo sidoo kale wuxuu xusay in intii dagaalku socday la qabtay oo kaliya difaacyadii ka horreeyey meelaha ay ku xoogan yihiin,sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyay saas ay tahay inay laba deegaan kaliya ku soo urureen kuwaasoo kala ah Miraale iyo Baalade oo labaduba ah deegaanka ay ku yaaliin ceelasha ugu badan.

“Weli lama gaarin saldhigyadii waaweynaa ee kooxda Daacish kuwaaasoo kala ah Miraale iyo Baalade waana halka ugu dambeysa mana jirto meel kale oo ay sii joogi karaan”ayuu yiri Afhayeenka howlgalka Puntland.

Af-hayeen Gen. Maxamuud Faadhigo wuxuu ugu dambeyn warbaahina u sheegay in kooxdu qorsheyneyso inay ku dagaalamaan labadaan deegaan ee u hartay madaama aysan jirin meel kale oo ay usii jiheystaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here