ADEN (DAYNIILE.COM)-Markab nuuca diyaaradaha dagaalka xambaara ah oo mareykanku leeyahay ayaa la soo sheegayaa inuu ka cararay dagaal-yahanada Xuutiyiinta yemen kadib weeraro ay ku qaadeen maalmihii ugu dambeeyay.
Markabkaan oo lagu magacaabo Harry Truman kuna sugnaa Badda Yemen ayaa la soo sheehayaa inuu u dhaqaaqay meel masaafo ahaan aad uga fog halkii uu fadhiyay kana duqeyn jirey gudaha yemen.
Masaafo dhan 1,300km ayaa la soo sheegayaa inuu markabkaani ka fogaaday xeebaha Yemen taasoo aad u adkeyn doonta inuu sidii hore oo kale u duqeeyo bartilmaameedyada xuutiyiinta.
Barakaca Markabka dagaal ee Harry Truman ayaa ku soo aadeysa xili warbaahinta dunidu maalmihii ugu dambeeyay aad u tabinayeen dagaalada u dhexeeya Mareykanka iyo dagaalamayaasha xuutiyiinta Yemen oo weerarkoodii ugu dambeeyay u adeegsaday hub halis ah.
Dhanka kale warbaahinta dunida ayaa soo bandhigayay burburka ay gaysteen duqeymaha maraakiibta dagaalka ee Mareykanka kuwaasoo ku dhacayay bartilmaameedyada saldhigyada xuutiyiinta iyo waliba waliba goobo shacabku degan yihiin intaba.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM