EYL (DAYNIILE.COM)-Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa xeebaha degmada Eyl ee Puntland waxay ka afduubteen doon kalluumeysi oo laga lee yahay dalka Yemen.
Ciidamada Badda ee Midowga Yurub kuwaasoo ka howlgala bad weynta Hindiya ayaa durba shaaciyay in lagu soo war geliyay afduubka doonidaasi kaluumeysi.
Sida ay sheegeen howlgalka Midowga Yurub burcada wax afduubatay ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 7 nin oo hubeysan kuwaasoo la rumeysan yahay inay burcad badeeda Soomaalida ka tirsan yihiin.
Inkastoo wali baaritaan lagu hayo kooxaha wax afduubtay ayaa hadana wararka horudhaca ah waxay muujinayaan in doonidaani kaluumeysi oo calanka yemen wadatay ay saarnaayeen shaqaale Soomaali ah kuwaasoo iyagana tiradooda lagu sheegay ilaa 8 ruux.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement