JILIB (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya cabasho balaaran oo Alshabaab iyo shacabka Magaalada Jilib ay ka soo gudbiyeen weraradii cirka ahaa ee dhawaan lagu qaaday Magaaladaasi oo ah xarunta kooxda Alshabaab.
Muuqaalo muujinaya cabashada Kooxda Alshabaab iyo shacabka ayaa lagu baahiyay baraha bulshada waxaana ka mid nin kooxdaasi ka tirsan oo ka cabanaya duqeymaha xili sida uu sheegay lagu jiro bil Ramadaan.
Ninkaan oo ah nin Odey ah ayaa ka cabanaya in fuustooyin laga soo buuxiyay walxaha qarxa in cirka lagaga soo riday xili lagu jiro Bishii xurmada ee Ramadaanka sida uu warka u dhigay.
Sidoo kale qaar ka mida dadka Magaaladaasi ku dhaqan oo Alshabaab iskala qabsaday ayaa iyagana ka cabanaya in mid ka mid duqeymaha uu gubay oo baabi’iyay suuqii Magaaldaasi.
“diyaaradaha caddowga ee arxaalawayaasha ah ee caddowga ah ayaa Jilib ku soo garaacay fuustooyin walxaha qarxa laga soo buuxiyay,anagu muslim baa nahay waxaana lagu jiraa bishii xurmada lahayd ee Ramadaan,iyagoo hurda ayaa dadkii gantaalo lagu soo garaacay,waa argagax gelin dadka la rabo in dhulkooda looga saaro”ayuu yiri ninkaasi odeyga ah ee Alshabaab u hadlay
Kooxda Alshabaab loogama baran inay baraha bulshada uga cabtaan duqeymaha kaga imaanaya Dowlada Somalia iyo saaxiibadeeda caalamka xili qaraxyada ugu badan Somalia ay iyaga markasta geytaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM