Weeraryahanka Inter Miami, Lionel Messi, ayaa laga saaray xulka Argentina ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee soo socda.

Weeraryahanka Inter Miami, Lionel Messi, ayaa laga saaray xulka Argentina ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee soo socda.

Xiddiga 37-jirka ah ayaa ku soo laabtay safka hore ee Miami kulankii ay guusha ka gaareen Atlanta United, balse la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray ciyaartii Axaddii.

Kooxda Inter ayaa xaqiijisay in laacibka siddeed jeer ku guuleystay Ballon d’Or uu qabo dhaawac fudud oo ah muruqa miskaha.

Messi ayaa horey loo nasiyay saddex ka mid ah kulamada Miami ka hor inta uusan kursiga keydka ka soo gelin oo uusan dhalinin gool kulankii ay guusha kaga gaareen kooxda Cavalier ee Jamaica, tartanka Concacaf Champions Cup.

Argentina waxay xaqiijin kartaa u soo bixitaanka Koobka Adduunka ee sanadka soo socda haddii ay guulo ka gaaraan kulamadan, iyaga oo booqan doona Uruguay ka hor inta aysan martigelin Brazil.

Xulka Argentina ayaa hogaaminaya 10-ka kooxood ee isreeb-reebka Koonfurta Ameerika, iyaga oo shan dhibcood ka sareeya Uruguay oo kaalinta labaad ku jirta, halka Brazil ay todobo dhibcood ka dambeyso oo ku jirto kaalinta shanaad.

Lixda kooxood ee ugu sareysa ayaa si toos ah ugu soo baxaya Koobka Adduunka 2026, halka kooxda ku dhamaysata kaalinta toddobaad ay u ciyaari doonto isreeb-reeb kale.

Ka dib 12 kulan, Messi waa gooldhaliyaha ugu sarreeya ee tartanka isagoo leh lix gool, taasoo tirada guud ee goolashiisa caalamiga ah ka dhigaysa 112, isagoo saftay 191 kulan.

Argentina sidoo kale ma heli doonto weeraryahanka Roma, Paulo Dybala, iyo daafaca River Plate, Gonzalo Montiel, oo labaduba dhaawacan.

Brazil-na waxay seegi doontaa Neymar oo horey uga garab ciyaari jiray Messi Barcelona, maadaama uu dhaawac bowdada ah ka soo gaaray, taasoo ka hor istaagtay inuu dib ugu soo laabto xulka qaranka.

 

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here