Dagaal Beeleed dhimasho badan sababay oo ka dhacay Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

SHILAABO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya deegaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya inuu dhimasho badan sababay dagaal beeleed shalay galab ilaa xalay ka socday deegaan hoos taga Magaalada Shilaabo.

Dagaalkaan oo saacado dhowr ah qaatay ayaa sababay dhimashada ilaa 9 ruux oo labada dhinac ah halka toban kalana ay ku dhaawaceen kuwaasoo qaarkood goobaha caafimaadka la gaarsiiyay.

Dagaalkaan oo ka dhacay Deegaanka balidaleel oo hoos taga Magaalada shilaabe ayaa waxaa uu ka dhashay kadib dilal aanooyin qabiil ah oo beelahaani dhexmarayay mudooyinkii la soo dhaafay taasoo keentay ugu danbeyn dagaal fool ka fool ah.

Maleeshiyaadkaani oo isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa isku noqon kara hadii Maamulka Dowalad deegaanku si degdeg ah usoo faragelin oo dhexdhexaadina u sameyn labada beelood.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here