Waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu jiro heshiis qarsoodi ah oo ay wada galeen Dowlada Imaaraadka iyo Madaxweynayaasha Maamulada Somaliland C/raxmaan Cirro iyo Puntland Saciid Dani.
Heshiiska ayaa dhigaya in Imaaraadku maal-geliyo sidii uu Saciid Dani ama shaqsi kale ku noqon lahaa Madaxweynaha Soomaaliya marka la gaaro dhamaadka mudo xileedka Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud kadibna uu fududeeyo sidii Dowlada Somalia u aqbali lahayd aqoonsiga inay Dowlad noqdaan Maamulka Somaliland.
Qorshahaan oo halis ku ah midnimada Somaliweyn iyo madax-banaanida qarankeena ayaan xaqiiqi loo heyn marka la eego tuhunka ah heshiis nuucaas ah.
Dawladda Imaaraadka Carabtu ayaa la rumeysan yahay inay mudaba howshaan soo waday islamarkana ay marar badan aqoosi u raadisay Somaliland inkastoo ay dhamaantood ku fashilmeen.
Dowlada imaaraadka ayaa ugu dambeyn garowsatay in ictifaar raadintaan ay ka sahlantahay dhanka Soomaalida dhexdooda, tusaale ahaan in Dowlada Somalia gacan ka geysato taasoo aad uga fudud wadooyinkii ay ku fashilmeen sida ay aaminsan yihiin waana mida keentay hadal heynta hada soo baxday ee ah inay Imaaraadku qorsheyeen madaxweyne maqaar saar ah inay Somalia u sameyso si uu ugu sahlo ictifaar raadinta maamulka Somaliland taasoo ay donayaan inay qarash badan ku bixiyaan walow aan la ogeyn suurtagalnimadaasi.
Dhanka kale Saciid Dani ama musharax kale lama rumeysna in siyaasi Soomaali ah aqbali karo mashruuc nuucaas ah madaama Soomaalidu ka mideysan yihiin ilaalinta qaranimada Somalia iyo midnimada Somaliweyn.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement