MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Somalia ayaa war culus ka soo saartay fal shalay Muqdisho ka dhacy kadib markii askari taraafikada ka tirsan uu dilay wiil bajaajle ahaa xili markaas kadib bajaajleyda oo careysan ay gubeen gaari Booliisku lahaa.
Af-hayeenka Booliiska ayaa war ka soo saaray dhacdadaani wuxuuna sheegay in Taliska Booliisku gacanta ku soo dhigay askarigii taraafikada ahaa ee dilay wiilka bajaajlaha ahaa islamarkaana wuxuu carabka ku adkeeyay in sharciga la hor geyn doono.
Sarkaalkaan Booliiska u hadlay wuxuu dhanka kale sheegay in Booliisku ku raad joogo dhalinyaradii gubtay gaariga Booliiska kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwo u soo dhex dhuuntay shacabka.
“sharciga ayaa lala tiigsan doonaa marka la soo qabto kuwa inta shacabka ku soo dhex dhuuntay hadana gubay hantida qaranka oo ah hantida shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Af-hayeenka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in qof kasta danbiguu galo uu isaga qaas yahay sidaas daraadeed askariga dilay bajaajlaha isna sharciga lala tiigsan doono halka sidii kale kuwii gaariga qaranka gubeysan sharciga lala tiigsan doono.
Af-hayeenka wuxuu xusay dhacdada shalay lagu gubey gaariga Booliiska ay ahayd tii ugu horeyay nuuceeda oo kale ah oo dalka ka dhacda isagoona ku hanjabay in kooxahaasi la soo qaban doono.