Dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo xuutiyiinta

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in weerarro cusub ay ku qaadeen dekedda Xudeydah ee badda cas iyadoo tirada dhimashada weerarada Mareykanka ay kor u dhaaftay 53. Dadka dhintay waxaa ku jira shan carruur ah.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan duqeymaha ay Xuutiyiinta Yemen ka geysanayaan inta ay kooxda fallaagada ah ka laabanayaan hanjabaadooda ah in ay dib u billaabayaan weerarrada ay ku hayaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee ku sugan Badda Cas.No description available.Dhanka kale Israa’iil ayaa sii wadda weeraradeeda iyo ciqaabta go’doominta ay ku hayso Gaza, iyadoo ay ku dishay nin Falastiini ah oo 62 jir ah, xili wafdi Israa’iili ay u socdaaleen Qaahira si ay faahfaahinta xabbad-joojinta ugala hadlaan mas’uuliyiinta Masar.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 48,572 falastiiniyiin ah la xaqiijiyay in ay dhinteen 112,032 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Xafiiska Warbaahinta ee Xukuumadda Gaza ayaa cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumannaan Falastiiniyiin ah oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen. Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here