=XIGASHO BBC SOMALI=
Itoobiya iyo Ereteriya waxaa ka dhexeysay cadawtinimo dheer, waxaana suuragal ah in ay qarka u saaran yihiin dagaal sidaasina waxaa ka digay saraakiisha gobolka saldhiga u ah dagaalkaas.
Hadii dagaal dhaco, waxay keeneysaa xaalad kale oo bani’aadannimo oo ka dilaacda geeska Afrika. Dagaal toos ah oo dhexmara labada dal ee Afrika ugu militeriga badan waxay soo afjareysaa heshiiska taariikhiga ee raysalwasaare Abiy Ahmed ku muteystay abaalmarinta Nobel Peace Prize sanadkii 2019-kii sidaasina waxaa qaba dadka ka faalooda siyaasada.
Dagaalka wuxuu sidoo kale kaga sii darayaa xiisadaha kale ee gobolka oo hore gargaarkii laga jartay uu keenay culeys ay dareemeen malaayiin ka soo barakacay dagaalada Sudan, Somaliya iyo Itoobiya.
Maxaa keenay cabsida laga qabo in dagaal dhaco?
Walaaca in markale uu dagaal qarxo waxaa keenay xiisada gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya halkaasi oo intii u dhexeysay 2020-kii ilaa iyo 2022-kii ay ku dhinteen kumanyaal.
Jimcihii, 14-kii bishan ayey koox falaago ah oo xiriir la leh xisbiga siyaasadeed ee ugu weyn gobolka waqooyiga Itoobiya ee Tigray la wareegeen xafiisyada duqa magaalada iyo raadiyaha gobolka Mekelle. Arrintan waxay keentay cabsida laga qabo dagaal sokeeye.
Qof deggan magaalada Mekelle ayaa BBC-da u sheegay in dadka ay bilaabeen in ay lacagtooda kala baxaan bangiyada iyagoo ka baqaya in xaalada ammaanka ay ka sii darto.
Intii uu dagaalka socday, ciidamada Itoobiya ayaa gobolka soo galay iyagoo dagaal la galay falaagada ay horkacayaan xisbiga gobolka ugu weyn ee TPLF.
Dhinaca kale, heshiiska nabadeed ee Nofember 2022-kii la gaaray wuxuu si weyn u kala qeybiyay Itoobiya iyo Ereteriya oo aan wadahadalada nabadda qeyb ka aheyn. Heshiiska kaddib TPLF way kala qeybsantay.
Kooxda mucaaradka ee toddobaadkan qabsatay magaalada Adigrat waxay sheegeen in ay difaacayaan danaha Tigray halka dowladana ay ku eedeysay in ay u shaqeynayaan Ereteriya Labada dhinac way beeniyeen eedahaas.
“Dagaal in uu ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya ayey qarka u saaran yihiin” ayuu yiri janaraal Tsadkan Gebretensase oo ah madaxweyne ku xigeenka dowladda Tigray oo hadalkaas u qoray Isniintii wargeyska Africa Report.
Khubaradu waxay sheegayaan in xiisadan ay keeneyso in Itoobiya iyo Ereteriya ay taageeraan kooxaha iska soo horjeeda ee Tigray taasna waxay horseedeysaa dagaal toos ah oo dhexmara labada dal.
Sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed oo gobolka ah, Ereteriya waxay amartay in dalka oo dhan la diyaariyo ciidamada halka Itoobiyana ay ciidamo u dirtay xadka dhanka Ereteriya. Wakiilada labada dal weli kama hadal arinaas.
Taariikhda xiriirka Itoobiya iyo Ereteriya
Ereteriya oo ah dal Talyaanigu uu soo gumeystay waxaa xoog ku soo galay Itoobiya sanadkii 1962-dii. 30 sano uu dagaal socday, waxay falaagadii Ereteriya ee uu hoggaaminayay Isaias Afwerki xornimo heleen 1993-dii.
Xiriirka labada dal markii hore wuxuu ahaa mid saaxiibtinimo maadama xukunka laga tuuray taliskii militeriga, dalkana ay qabsadeen falaago Tigrey ah.
Labada dal ayaa ku dagaallamay cidda iska leh magaalada Badme sanadkii 1998-dii. Dagaalkii ka dhashay lahaanshaha magaalada wuxuu socday labo sano.
Sanadkii 2018-kii ayey si rasmi ah heshiis u galeen labada dal markii labada madaxweyne isku raaceen in ay soo celiyaan xiriirkii diblomaasi iyo kii dhaqaale.
Heshiiska wuxuu keenay in ay dib u midoobaan qoysaska dagaalka uu kala qeybiyay mudada 20-ka sano iyo in ay bilowdaan duulimaadyo toos ah oo u dhexeeya Addis Ababa iyo Asmara.
Waxaa sidoo kale la sameeyay ballanqaadyo in laga shaqeynayo dhismaha dakadaha Ereteriya.
Goormuu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Ereteriya?
Xiriirka labada dal wuxuu xumaaday dhammaadkii dagaalka gobolka Tigray markaas oo Itoobiya ay heshiis kula gashay Pretoria TPLF kaas oo lagu dhameynayay dagaalka gobolka Tigray.
Dadka ka faalooda waxay sheegayaan in Ereteriya ay ka carrootay in heshiiska laga saaray kaas oo TPLF ogolaatay.
Qaar ka mid ah askarta Ereteriya ayaa sii joogay dhulka Itoobiya inkastoo heshiisku dhigayay in ay ka baxaan gobolka dhammaan ciidamada shisheeye.
Madaxda Ereteriya waxay sidoo kale ka hadleen sida aysan ula dhacsaneyn hadalada joogtada ee ka soo baxayay raysalwasaare Abiy ilaa iyo 2023-kii ee ahaa in itoobiya ay xaq u leedahay in ay bad hesho maadaama ay go’doon tahay
Hadalkaas Ereteriya waxay u aragtay hanjabaad militeri maadam ay tahay dal leh badda ay Itoobiya raadineyso.
Bishii sabtembar ee sanadkii tagay, diyaarada Itoobiya ayaa joojisay duulimaadyadii Ereteriya. Waxayna taasi iftiimisay xiriirka sii xumaanaya ee labada dal. Wararka waxay sheegayaan in akoonka bangiga shirkadda ee Ereteria la joojiyay.
Bil kaddib Ereteriya waxay heshiis dhinaca ammaanka la gashay Masar iyo Soomaaliya.
Dhowr dal oo ay ku jiraan Mareykanka, Britain yio Midowga Yurub ayaa ka digay xaalada oo ka sii darta iyagoo sheegay in dagaal uusan markale qarxin.
Khamiistii ayey Faransiiska u sheegeen muwaadiniintooda jooga Ereteriya in ay keydsadaan waxyaabaha daruuriga ayna taxadaraan.
=XIGASHO BBC SOMALI=