Maxaad kala socotaa howlgalka Galabta ciidamada Puntland ku naafeeyeen kooxda Daacish

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Sida lagu sheegay war ka soo baxay Taliska ciidamada Puntland ee la dagaalanka Daacish ayaa lagu faah-faahiyay jab xooggan oo galabta ay gaarsiiyeen dagaalamayaasha Daacish.

Warka Puntland waxaa lagu sheegay howlgal galabta ay sameeyeen inay ku dileen laba Ajaanib ah kuwaasoo daacish u dagaalamayay.
Sidoo kale waxay ciidamadu la wareegeen gaadiid kala duwan oo qaarkood sahay u siday Daacish.
“Ciidanka ayaa galabta dilay labo Ajaanib Argagixisada Daacish ah, sidoo kale waxay Ciidanku qabsadeen gaari Iska-rogo ah, laba gaari oo yar yar oo ay furfureen, hubka noocyaddiisa kala duwan, Mootooyin, saad, sahay iyo agabyo kale oo muhiim ah”ayuu lagu yiri warka ka soo baxay Puntland
Hawlgalkaan oo ka dhanka ah Daacish waxay ka dhaceen deegaannada Godmadow ee Curaar, Lugta Laasku Wehelle iyo Isha Dharabato oo ka tirsan togga Jaceel.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 personMay be an image of 11 people and text that says "MIEA"May be an image of 11 people and text that says "MIEA"May be an image of 3 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people and treeMay be an image of 3 people and treeMay be an image of 5 people and textNo photo description available.No photo description available.May be an image of 5 people and textMay be an image of 3 people, helicopter, all-terrain vehicle and textNo photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here