Kadib markii maanta uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Golaha shacabka Aadan Madoobe uu eryay Xildhibaan C/laahi Abiib kadib markii uu ku eedeeyay inuu laba shir maqnaa bilaa cudur daar la’an ayaa waxaa arintaasi ka fal-celiyay xildhibaano badan kuwaasoo diidan in xildhibaankasi laga saaro liiska Baarlamaanka.
106 Xildhibaan ayaa saxiixay oo ka hor yimid talaabadii uu maanta qaaday Aadan Madoobe.
Hadaba waxaa is weydiin mudan Xildhibaanada ka hor yimid xildhibaanka la eryay waxay ka badeli karaan go’aanka Gudoomiye Aadan Madoobe mar hadii uu cuskanayo qodob ka mida dacstuurka Dalka.