Dagaal culus oo haatan ka socda deegaanka Laba garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in haatan dagaal culus uu ka socda deegaanka Laba garas oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Dagaalka ayaa ah mid u dhaxeeya ciidamada xoogga dalka iyo kaashanaya kuwa deegaanka  oo dhinac ah iyo kuwa maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka is garabsanaya ay weerar ku qaadeen fariisimo kooxdu ku leedahay deegaanka Laba garas, waxaana la soo werinayaa in dagaalka uu yahay mid xooggan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Lama oga ilaa hada khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana wararka laga helaayo sidoo kale ay tibaaxayaan in dagaalka uu barbar socdo duqeymo culus oo laga maqlaayo meelo ka fogfog halka uu dagaalka ka socdo, taasoo lagu garaacayo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa mudooyinkii dambe ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada gobolkaas, waxaana xusid mudan in gulufkaasi kooxda lagu gaarsiiyay jab aad u xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here