Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Isniintii, illaa xalay ay Al-Shabaab bilaabeen inay dib uga gurtaan deegaanno dhaca gobolkaas oo ay haatan ka socdaan howlgallo xoreyn ah.
Sida ay ogaatay www.dayniile.com, AS ayaa faarujiyay deegaannada Ceel Baraf iyo Biyo Cadde oo kamid ah meelihii ay dib ula wareegeen todobaadyadii lasoo dhaafay, kadib weeraro rogaal celis oo ay kusoo qaadeen halkaasi.
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in labadaas deegaan iyo tuulooyinka hoos yimaada ay ka wada baxeen xubnihii Al-Shabaab, mana cadda sababta ka dambeysa.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaabkii ku sugnaa aaggaasi ay u baxeen dhinaca wabiga, gaar ahaan xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan maleeshiyaadka Khawaarijta.
Kahor inta aysan Al-Shabaab ka bixin deegaannada Ceel Baraf iyo Biyo Cadde waxay la hadleen dadka deegaanka, iyaga oo isugu yeeray meel fagaare ah, kadibna la wadaagay qorshahooda bixista, balse ma cadda waxyaabaha kale ee ay kala hadleen shacabka.
Xaaladda deegaannada ay ka baxeen Al-Shabaab ayaa hadda haawanaya, mana jiro wax ciidan ah oo ku sugan halkaasi, balse waxaa kaabiga ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo indhowaanahan howlgallo culus ka waday Shabeelaha Dhexe.
Sababta ugu wayn ee soo dadajisay bixista kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu micneeyay culeyska ay kala kulmeen gulufka dowladda iyo duqeymaha ay ku garaacayaan saaxibada caalamiga ah oo hawada ka taageerayo ciidamada huwanta.
Waxaa sidoo kale laga burburiyay buundo macmal ah oo ay ka sameysatay deegaanka Oobaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ka soo gudbin jireen gaadiidka iyo dagaalyahannada ay ku soo weeraraan gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay dhowaan shaacisay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NIISA.
“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah, ayaa howlgal duqayn ah oo ay ka fuliyeen tuulada Oobaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxay ku burburiyeen buundo macmal ah oo Khawaarijtu dhawaan halkaas ka dhistay,” ayaa horay loogu yiri qoraal kasoo baxay Hay’adda NISA.
Sidoo kale, NISA ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay halkaasi u ahayd marin muhiim ah oo ay u adeegsan jireen soo gudbinta maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha isku dayayay inay carqaladeeyaan amniga deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe.
Si kastaba, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda ee ku aadan dib u gurashada argagixisada oo maanta ka baxay deegaanno ku yaalla Shabeelaha Dhexe.