Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha dowladda Itoobiya ay duqeymo ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiirka ayaa sheegay in diyaaraduhu gantaalo la dhaceen deegaanada ay ku sugan yihiin kooxda Alshabaab, balse ma sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay duqeymahaas.
Isagoo la hadlayay warbaahinta qaranka, Wasiirku wuxuu sheegay in duqeymaha ay fuliyeen ciidamada Itoobiya ay ahaayeen kuwo ay hagaysay dowladda Federaalka. Wuxuu xusay in aanay suurtagal ahayn in duqeymo laga fuliyo gudaha Soomaaliya iyada oo aan dowladda la ogeysiin.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu caddeeyay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashi amni, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo xusay in heshiiskii Ankara uu qeexayo wadashaqeynta labada dal ee dhinaca amniga.
Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay ogolaatay in ciidamada Itoobiya ay ka qeyb noqdaan howlgalka cusub ee AUSSOM. Hase yeeshee, lama arag ciidanka Itoobiya oo horey uga fuliyay gobolka Shabeellada Dhexe.