HomeWarkiiDAAWO: 80 jir Milateriga ka tirsan oo kashifay sir ku saabsan...

DAAWO: 80 jir Milateriga ka tirsan oo kashifay sir ku saabsan fashilka howlgalada ciidamada Dowlada.

RAAGE-CEELE (DAYNIILE.COM)-Waxaa baraha bulshada ka soo muuqday Odey 80 jir ah oo ka tirsan Milateriga Somalia kaasoo daaha ka qaaday sababta keenta fashilka ku yimaada howlgalada ciidamada Dowlada ee ka dhanka ah Alshabaab.

80-jirkaan ayaa ku jira safka hore ee dagaalada Gobolka Shabeelaha dhexe isagoo wata qorey AK47 ah , hubka kalana ku dagaalami kara.

Odeygaan wuxuu daaha ka qaaday sir badan oo ku saabsan waxa keenaya guul darooyinka soo gaara weeraarada ay qaadaan ciidamada Dowlada Somalia ,wuxuu ugu horeyn eeda dusha ka saaray qorshaha Dowlada ee lagu howlgeliyay ciidamada macawisleyda loo yaqaan isagoona ku dhaliilay inay sirta dowlada faafiyaan si aysan iyagu ku talo galin isagoo tusaale usoo qaatay inay weerar markii la qaadayo la wadaagaan ehaladooda.

“dhibaatada jirta ayaa ah inay taleefoono ku heystaan furimaha dagaalka raga loo yaqaan macawisleyda,waxayna ehelkooda la wadaan howlal kasta oo sir u ah ciidamada Dowalda”ayuu yiri Odeygaasi 80 jirka ah.

Wuxuu ku taliyay in gabi ahaanba Madaxda qaranku meesha ka saaraan macawisleyda si sirta ciidanka aysan u bixin, islamarkaana ay u hana qaado Dowladnimada.

Haddaba muuqaalka odeygaan geesiga ah halkaan ka daawo:-

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -