Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Geneva kulan miro-dhal ah kula yeeshay Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah (International Trade Center), Marwo Pamela Coke-Hamilton.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada horumarinta ganacsiga iyo kobcinta awoodda ganacsatada Soomaaliyeed. Sidoo kale, Soomaaliya ayaa dhawaan qabatay fadhigeedii ugu horreeyay ee ku saabsan ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), taas oo muujineysa sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka ganacsi ee caalamiga ah, una ah tiir muhiim ah oo ka mid ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan – NTP).May be an image of 2 people and text that says "o ional Centre du Gommerce International International Trade Centre Centrode de Comercio Internacional Centre du Commerce International du crce ational International lrade Centre International Trade Centre onal le 10 Cion de cio CIO acional Centre du Gommerce International Centro de Comercio Internacional sentre du Commerce Internationa International Trade Trade Centre"May be an image of 12 people, suit and text

Advertisement
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here