Geneva, Isniin 17 Febraayo 2025: – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Geneva kaga qeybgalay wadahadallada ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).

Wadahadalladan, oo Soomaaliya muddo sugaysay, ayaa muhiim u ah dadaallada dalka ee lagu horumarinayo iskaashiga ganacsi iyo kobcinta dhaqaalaha.

Ku biirista WTO waxa ay Soomaaliya u sahlaysaa helitaanka suuqyo ganacsi oo caalami ah, xoojinta maalgashiga shisheeye, iyo fududeynta ganacsiga caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa horey uga mid noqotay ururrada gobolka sida East African Community (EAC) iyo Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA), kuwaas oo muhiim u ah xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka.

Sidoo kale, sanadkan 2025, Soomaaliya waxay xubin rasmi ah ka noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo muujinaysa doorka firfircoon ee dowladda Soomaaliya ay ka ciyaarayso arrimaha caalamiga ah.
— Dhammaad —May be an image of 2 peopleMay be an image of 5 people and textMay be an image of ‎10 people, people studying and ‎text that says "‎꽃드 202.202 -WIO, WTO TO, SIR IROOM DOM VC ب c ewdla CHAIRPERSON SECRETARY‎"‎‎May be an image of 13 people, people studying and textMay be an image of 16 people, table and textMay be an image of 3 people, people studying and daisMay be an image of 3 people, newsroom and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here