Sida aan ka soo xignay warbaahinta Maamul Goboleedka Puntland Ciidamada Difaaca ayaa gaaray deegaano horleh oo ka tirsan togga Jeceel ee buuraleyda Cal-miskaad.

Ciidamada ayaa isku fidiyay deegaanka Hararyo ilaa aaga Qurac, oo ay ugu tageen saldhigyo ay argagixisada Daacish ay ka carareen, sida uu xaqiijiyay Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

Advertisement
“Ciidanka oo hore ugu ruqaansaday deegaano hor leh, wuxuu hawlgalo amni ka sameeyay deegaanka Hararyo ee Toga-jeceel, isagoo isku fidiyey illaa aaga Qurac, oo ay ugu tageen saldhigyo Aragixisadu ka carartay.”
Howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish ayaa ku guda jira wajiga labaad, waxaana ciidamadu burbur xooggan ay gaarsiiyeen argagixisada oo ay ka dileen inbadan 120 xubnood, kaddib dagaal ka dhacay Dharin oo dhacda Togga Jeceel, argagixisada ayaa hadda ah firxad.May be an image of 4 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here