Aftermath of shelling by the Rapid Support Forces on Omdurman

KHARTOUM (DAYNIILE.COM)-Fallaagada RSF ee Dalka Sudan ayaa la soo sheegayaa inay Caasimada Dalkaasi ee Qartum ku dileen 54 ruux halka ay ka dhaawaceen 158 kale kadib weerar madaafiic oo kooxdaasi ay ku garaaceen suuq ku yaalla magaalada Omdurman.

Advertisement

Dadka dhibaatada soo gaartay ayaa la sheegay inay u badan yihiin caruur iyo haween taasoo u muuqata xasuuq shacab waxaana lagu eedeeyay kooxda Dowlada ka soo horjeeda inkastoo ay beeniyeen inay iyagu madaafiicdaasi tuureen.

Khaalid Al-caleesir oo ah afhayeenka dowladda ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo sheegay in weerarkaani ay ku dhamaadeen caruur iyo haween.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay Sabtidii (01-February) 2025 in weerarkaani Suuqa uu yahay kii ugu dambeeyay weerarro isdaba joog ah oo lagu hoobtay oo uu geystay dagaalada sokeeye ee dalka ku yaalla waqooyi bari ee Afrika.

Ururka Dhakhaatiirta Suudaan ayaa sheegay in hal madfac uu ku dhacay mitir (yards) meel u jirta Isbitaalka Al-Naw, kaasoo soo gaaray inta badan dhaawacyada suuqa.

Sidoo kale Ururka Dhakhaatiirta Suudaan wuxuu xusay in isbitaalka ay ka jirto gabaabsi weyn oo dhanka caafimaadka ah, gaar ahaan dhakhaatiirta qaliinka iyo kalkaaliyaasha.

Toddobaadkii hore, qiyaastii 70 qof ayaa lagu dilay weerar ay RSF ku qaadday cisbitaalka keliya ee shaqeeya ee ku yaalla magaalada go’doonsan ee El Fasher ee galbeedka gobolka Darfur.

Colaadda ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 28,000 oo qof, waxayna malaayiin qof ku qasbeen inay ka barakacaan guryahooda, colaadu waxa sidoo kale  sababtay in qoysaska qaar ay cunaan cawska iyagoo isku dayaya inay ku badbaadaan macluul ka dilaacday qaybo ka mid ah dalka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here