Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil(Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay kulanka joogtada ah ee guddi howleedka farsamo ee xiriirka arrimaha xasilinta.
Kulanka oo bishani ay martigelisay Wasaaradda Amniga Gudaha XFS waxaa kasoo qayb galay dhammaan agaasimayaasha waaxyaha xiriirka ee wasaaradaha iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha xasilinta iyada oo ugu horeyn guddoomiyaha guddiga mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye uu ka warbixiyay sooyaalka, baaxadda howlaha guddiga iyo hiigsiga waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlaha Wasaaradda Amniga, xasliinta iyo waxqabadka guddiga mudadii uu jiray.
Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyay howlaha guddiga isaga oo adkeeyay muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha xasilinta iyo wacyigelinta deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta, waxa uuna ugu dambeyn kula dardaarmay xubnaha guddiga in ay xafiisyadooda warbaahineed yeeshaan qorshayaal mideysan oo loogu adeegayo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.
Advertisement