Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan la qaatay La-taliyaha Amniga Qaranka ee dalka Ciraaq, Mudane Qasim Al-Araji, waxaana diiradda lagu saaray shirkaan iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo xoojinta xiriirka labada dal.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada ammaanka iyo tababarada ciidamada, iyadoo la adkeynayo iskaashiga lagu xoojinayo nabadgelyada gobolka.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ciraaq taageerada iyo khibradaha ay u soo bandhigeen Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta labada dhinac, iyadoo dhankiisa, Mudane Qasim Al-Araji uu ballan qaaday in Ciraaq ay ka go’an tahay inay ka taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada farsamada, tababarada, iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada.May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 4 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here