JIG-JIGA (DAYNIILE.COM)-Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta gaaray Magaalada Jig-jiga ee xarunta Dowlad deegaanka Itoobiya halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Boqolaal dadweyne ah ayaa Abiy Axmed uga hor tagay garoonka diyaaradaha iyagoona wadooyinka saft tay xili si weyn shacabku u soo dhaweyeen Ra’iisulwasaaraha.
Soomaali aad u badan ayaa maanta Ra’iisulwasaaraha u muujiyay cududa taageeradooda inkastoo ay macquul tahay inuu soo abaabulay Mustaf Cag-jar madaxweynaha ismaamulka Dowlad deegaanka Itoobiya
Dhulka Soomaalida Itoobiya ayaa ka mida kuwa ugu amniga fiican ismaamulada kale marka la eego.
Waxaa kaloo xusid mudan in xisbiga tallada haya Soomalidu booskii abid ugu sarreyay ka heshay, oo meeqam ahaan xooggan yihiin.Siddaas oo ay tahay mashaaricda waawayn ee Abiye Ahmed, hirgaliyay Deeganada Oromada,Axmarada iyo Deganada Debubka laysku dhihi jiray ayaa ugu badan.