Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Labbaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalam Cabdi Cali, ayaa guddoomiyey shirka billaha ah ee Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maareeyaasha Hey’adaha Dowladda.
Shirka ayaa looga hadlayey qiimeynta waxqabadka iyo howl gudashada shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda, dhismaha iyo ballaarinta caasimadda Muqdisho, ballan-qaadyada waxqabadka sanadka 2025 ee soo socda, iyo diyaarinta qorshaha isbeddelka Qaranka oo ku dhow gebo-gebo.
















Advertisement