Ku dhawaad 70 boqolkiiba dadka lagu dilay dagaalka Israel ka wado Qaza waa haween iyo caruur, Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa leh, isaga oo ku tilmaamay xadgudub nidaamsan oo ka dhan ah mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah
Ugu yaraan 39 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 123 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israel ee guud ahaan Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee gobolkaasi.
Weerarada Israel ayaa weli ka socda koonfurta Lubnaan halkaasoo 52 qof lagu dilay 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Taageerayaasha kubbadda cagta Israa’iil ayaa kiciyay rabshadaha Amsterdam ka dib markii ay weerareen taageerayaasha Falastiin ka hor ciyaartii Ajax-Maccabi Tel Aviv, xubin ka tirsan golaha magaalada Amsterdam ayaa u sheegay Al Jazeera.
Xasuuqa Israel ee Gaza waxa ku dhintay ugu yaraan 43,508 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 102,684 tan iyo October 7, 2023.
Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weeraradii ay Xamaas hogaaminaysay maalintaas, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
Lubnaan, ugu yaraan 3,102 qof ayaa lagu dilay, 13,819 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israel tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza.
SOUREC ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM