MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka arimaha dibada Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa wareysi uu siiyay TV-ga qaranka wuxuu mar kale kaga hadlay Safaarada Itoobiya oo hada ku shaqeysa xeyndaabka madaxtooyada Villa Somalia xili Dowlada Itoobiya ku xad-gudubtay madax banaanida dhuleed ee Qaranka Somalia.
Wasiirka wuxuu sheegay in laga wanaagsanaa in xiligaan safaaradaan Itoobiya ku dhex shaqeyso gudaha ama xeyndaabka madaxtooyada Qaranka Somalia madaama dhismihii safaaradaasi ee Muqdisho uu u banaan yahay .
“Safaaradda Itoobiya madagana dhulkeedii , inay ku dhextaal xeyn daabka Madaxtooyada Qaranka waa arrin laga haboon yahay, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii ay dhulkeedii hore u dhisan laheyd kaas oo hadda u banaan”.ayuu yiri Wasiir Fiqi
Axmed Macalin Fiqi wuxuu carabka ku adkeeyay in waqtiga ugu dhaw oo ugu munaasibsan in safaarada Itoobiya looga saarayo xendaabka madaxtooyada islamarkaana ay dhulkooda dib u dhistaan halkaasna degaan.
“safaarada Itoobiya iyo meesha ay ku taal waan ka jawaabi doonaa sida saxda ah waana in waqtiga ugu dhaw ee ugu munaabsan in safaaradaani meel kele tagto oo ka dhex baxdo xeyndaabka madaxtooyada,anaguba safaaradeena kuma taal xendaaka madaxtooyadooda”ayuu mar kale yiri wasiir Fiqi
Wasiri Fiqi wuxuu shuruud uga dhigay in safaarada Itoobiya ku sii taalo gudaha mdaxyooda Somalia in iyaguna ogolaadaan in safaaradeena aan ka furano gudaha madaxtooyada Itoobiya.
“sida safaaradaha dalalka kale waa inay magaalada dhinac ka degaan ama aan noqono laba dal oo isku mid ah taasina waxay ku dhaceysaa inaan inaguna safaaradeena ka furanaa gudaha madaxtooyada Itoobiya”ayuu mar kale yiri Wasiir Fiqi
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM