=XIGASHO BBC SOMALI=
Guuleed Diiriye oo qarsoodi dalka kusoo geliya aalkolada waa uu daalay.
Wuxuu haatan uun kasoo laabtay safarkiisa uu aalkolada mamnuuca ah uga soo qaaday xadka Itoobiya.
Ninkan 29-jirka ah ayaa ku fadhiya kursigiisa dhex yaalla guri villo ah oo qaabka xilligii gumeysiga loo dhisay ayna saameeyeen sanado dagaallo ay ka socdeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho – magaalo mar loo yaqaannay Luulka Badweynta Hindiya.
Dacaskiisa waxaa daboolay bus guduudan – oo kasoo gaartay saxaraha uu soo dhex maray.
Indhaha madow ee Guuleed waa kuwo dhafar uu ka muuqdo. Tubtubka ka muuqda indhihiisa hoostooda waa kuwo muujinaya habeenno hurdo la’aan ah, saacado xaalad adag ah oo ka dhashay waddooyinka halista leh iyo la gorgortanka isbaarooyinka ay heystaan ragga hubeysan.
Waxaa sidoo kale jirta xusuusta urugta leh ee saaxiibkiis sidan oo kale ku shaqeysan jiray oo la dilay.
“Dalkan, qof walba wuu hardamayaa wuxuuna raadinayaa waddo uu uga baxo. Waxaana helay waddadeyda anigoo safarro joogto ah oo waddada ah uga soo baxaya xadka Itoobiya ilaa Muqdisho,” ayuu yiri, isagoo sharraxay in safrinta qarsoodiga ah ay u ahayd hab uu ku caawiyo qoyskiisa oo xaalad adag oo dhaqaale ku jira.
Isticmaalka iyo iibinta aalkolada waa sharci-darro. Shuruucda Soomaaliya waa inay waafaqaan Shareecada (sharciga Islaamka), taasoo mamnuuceysa aalkolada, balse taas ma joojin dalabka sii kordhaya, gaar ahaanna dhalinyarada dhexdooda qeybo badan oo ka mid ah dalka.
Abshir oo ay Guuleed deris yihiin, isagoo og xaaladaha adag ee uu ku jiray isagoo ahaa darawalka gawaarida caasiga, ayaa wuxuu baray soo qaadidda qarsoodiga ah ee aalkolada.
Bajaajyada ayaa qabsaday magaalada, taasoo darawallada caasiga suuqa ka saartay.
Labadoodaba waxay ahaayeen saaxiibbo ilaa carruurnimadoodii kuwaasoo isla hal xero ku jiray sanadkii 2009 markii kacdoonka uu aad uga jiray Muqdisho – wuxuu ahaa qof uu aamini karo.
“Waxaan bilaabay inaan kartoomo aalkolo ah kasoo qaado meel cayimad oo Muqdisho ah [anoo isaga u shaqeynaya] kadibna dhex marinaya magaalada geynayana meelo cayimad. Markii hore ma aanan garan balse tan waxay ahayd habkii la igu barayay safrinta qarsoodiga ah.”
Ku lug lahaanshihiisa ganacsiga ayaa sii korortay Guuleed ayaana duba is arkay isagoo ku dhex safraya xadka Itoobiya siina maraya deegaannada miyiga ee Soomaaliya.
Wuu garwaaqsan yahay inuu jebinayo sharciga, balse wuxuu sheegay in saboolnimada uu ku jiro ay taas ka weyn tahay.
Safrinta qarsoodiga ah wuxuu ka bilaabanayaa magaalooyinka xadka Soomaaliya ku yaalla sida Caabudwaaq, Balanballe, Feerfeer iyo Galdogob.
“Aakolada ayaa inta badan laga keenaa [caasimadda Itoobiya] ee Addis Ababa waxaana la geeyaa magaalada Jigjiga, ee Dowlad Deegaanka Soomaalida,” sida uu sheegay Guuleed.
Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, waxay xad dhererkiisu yahay 1,600km (990-meyl) la wadaagtaa Soomaaliya. Dadka labada dhinac ayaa wadaaga xiriir isir, mid dhaqan, af iyo diin.
Marka aalkolada la soo raro, waxaa lasoo dhex mariyaa dhulalka gobolka Soomaalida, kadibna waxaa si qarsoodi ah loo soo mariyaa xadka Soomaaliya.
Magaalada xadka ku taalla ee Galdogob waxay udub-dhexaad u tahay ganacsiga iyo isu socodka waxaana aad u saameeyay qulqulka aalkolada laga soo dusiyo Itoobiya.
Odayaasha qabaa’illada ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha la xiriira aalkolada.
“Aalkolada waxay keentaa waxyaabo badan oo dhaqan-xumo ah [sida toogashooyinka],” ayuu yiri Sheekh Cabdalla Maxamed Cali, guddoomiyaha gole-dhaqameedka gudaha ee magaalada.
“Waxaa lagu qabtay laguna burburiyay aalkolada dhowr jeer balse waa sida ku noolaanshaha meel kaabiga ku heysa warshad. Way soo bataan uun, wax walboo aan sameyno.”
“Magaaladeenna mar walba waxay bartanka uga jiri doontaa khatarta.”
Balse dadka sida qarsoodiga ah usoo qaada hadafkoodu waa inay aalkolada gaarsiiyaan caasimadda.
“Waxaan kaxeeyaa gaari xamuul kaasoo qaada khudaarta, baradhada iyo cunnooyin kale. Marka gaariga la raro waxaa laga buuxiyaa wixii aan soo qaadi lahaa, balse lacagta ugu badan waxaan ka sameeyaa aalkolada,” ayuu yiri Guuleed.
Mararka qaar dadka qarsoodiga ku safriya waxay dhex maraan Itoobiya si ay usoo qaadaan mararka kalena waxay ka helaan xadka. Balse waddo walboo la maro, qarintu waa xirfad muhiim ah iyadoo halista in qofka lagu qabto ay aad u badan tahay.
“Shaqada qofka raraya waa tan ugu muhiimsan. Xitaa waxay ka muhiimsan tahay soo qaadidda. Waxaa loo idmaday in aalkolada uu ku dhex qariyo gaarigeenna xamuulka oo uu dhex geliyo wax walboo aan soo qaadno. Isaga la’aantii, ma awoodeen inaan si fudud ugu safro waddooyinka — ugu yaraan anigoo aan la i qaban.
“Celcelis ahaan kartoonkii aan soo qaado waxaa ku jira 12 dhalo. Caadi ahaan waxaan soo qaadaa 50 ilaa 70 kartoon safarkiiba. Caadi ahaan kala bar xamuulka gaarigeyga waxaa ka buuxa aalkolo.”
Qeybo badan oo ka mid ah koofur-bartamaha Soomaaliya waxaa xukuma kooxo hubeysan, halkaasoo dowladdu ay in yar uun amaba waxba ka maamulin: maleeshiyaad, burcad iyo kooxda al-Qaacida gacan-saarka la leh ee al-Shabaab.
“Marna keligaa ma safri kartid. Aad ayay halis u tahay. Geeridu mar walba maankeenna way ku jirtaa,” ayuu yiri Guuleed Balse walaacaas ma saameyn ganacsiga waxaana jirta hab yaab leh oo kooxdu u sameysan tahay.
“Haddii aan weerara waddada ah ku dhaawacmo, waa inuu jiraa beddel sii wadi kara safarka. Qof walba wuu yaqaannaa sida gaari loo wado waddada si fiican ayuu u yaqaannaa.”
Dadka sida qarsoodiga ah aalkolada u safriya ayaa mara meelo wasakh ah iyo waddooyin aan sanado la dayac-tirin. Miinooyinka dhulka iyo walxo aan qarxin oo dagaallada ka haray ayaa sidoo kale ah halis.
“Waxaan dhex maraa ugu yaraan siddeed ilaa 10 magaalo si aan u gaaro Muqdisho. Balse ma xisaabinno magaalooyinka, waxaan xisaabinnaa isbaarooyinka iyo cidda maamusha,” ayuu yiri Guuleed.
Waxay la kulmaan dhowr maleeshiyaad beeleed oo kala sarreeya, mararka qaar waddada ku firirsan marmarka qaarna isbaarooyinka jooga.
“Lacalla haddii ay na qabtaan maleeshiy-beeleed, haddii midkeen isku qabiil yihiin maleeshiyada amaba xitaa laf hoose, waxay kordhineysaa jaaniska inaan badbaadno. Tan waa sababta aan dhammaanteen kala qabiil u nahay.”
Wuxuu si xanuun badan usoo gocday: “Waxaan la kulmay dhowr weerar.
“Mid ka mid ah ragga ila shaqeeya wuu cusub yahay. Wuxuu beddelay caawiyehaygii ugu dambeeyay oo la dilay labo sano kahor.”
Guuleed ayaa kuleylka daran ku safrayay lix saacadood, marka wuxuu go’aansaday inuu yara seexdo, isagoo shukaanta u dhiibay caawiyihiisa.
“Intii aan gadaal hurday, waxaan maqlay rasaas si kedis ah ii kicisay. Waxaa nagu hareereysnaa maleeshiyo. Ninkii gaariga rarayay wuu qeylinayay isagoo kursiga rakaabka isku dhakinaya.” Darawalkii caawiyaha ahaa waa la dilay.
Markii ay xaaladdu degtay, rarihii gaariga iyo Guuleed waxay kursiga hore kasoo qaadeen saaxiibkoodii dhintay waxayna geliyeen qeybta dambe ee gaariga.
“Weligey dhiig saa u badan nolosheyda ma arag. Waxay noqotay inaan ka masaxo shukaanta oo aan sii socdo. Sanadahayga dhan, waxna iima diyaarin waxa aan arkay maalintaas.”
Iyadoo labadooda ay kaxeeyeen gaariga ayna meel ka fog maleeshiyada marayaan, waddada ayay dhinac uga baxeen meydkiisana halkaas ayay dhigeen.
“Xitaa ma aynaan heysan maro aan meydkiisa ku daboolno, marka waxaan iska saaray shaarkeyga gacmo-dheeraha ahaa waana ku daboolnay.
“Wuxuu ahaa go’aan adag balse waan ogaa inaanan safarka sii wadi karin anigoo gaariga ku sida aalkolo qarsoodi ah iyo meydk. Waxaa naga horreeyay bar-kontaroollo yar oo dowladda ah mana aanan ku khamaari karin rarka alaabteyda ama xorriyaddeyda.”
Labo sano kadib wuxuu sheegay in meydka uu uga tegay waddada dhinaceeda ay ilaa iyo haatan xanuunjineyso.
Qoys ayuu ka tegay, Guuleedna ma hubo inay xitaa ogyihiin runta iyo xaaladaha ku meeran maqnaanshihiisa iyo geeridiisa.
Halista uu Guuleed wajaho waa xaalad dhab ah oo soo noqnoqota oo ay dad badan oo aalkolada safriya wajahaan marka ay si qarsoodi ah aalkolo uga keenaan Itoobiya oo ay geeyaan Muqdisho, si ay u daboolaan dalabka sii kordhaya.
Daahir Barre, oo 41 jir ah haaro ayaa uga yaalla wejiga taasoo sheekadeeda wadata. Waa qof qallafsan oo u muuqda inay qof adadag ka dhigtay xirfadda safrinta ku dhowaad 10 sano taasoo u suurtogelisay inuu ka gudbo cawaaqib-xumada uu wajihi lahaa.
“Waxaan wajahnaa dhibaatooyin badan iyo khatar balse weli waan sii wadnaa safarka iyadoo khatartu ay jirto sababo la xiriira nolosha adag ee ka jirta Soomaaliya,” ayuu yiri.
Daahir ayaa aalkolo kasoo safrin jiray Itoobiya tan iyo sanadkii 2015 wuxuuna sheegay in fursad la’aantu ay kasii dareen sanado saboolnimo kuna riixday ganacsiga khatarta ah.
“Hoteel ku yaalla bartamaha magaalada ayaan waardiye ka ahaa. Waxaan ku hubeysnaa qori AK-47 ah waxaana u xil-saarnaa inaan dhulka dhigo kuwa xoog kusoo gala albaabka.”
Habeenno dheer oo shaqada halista ah iyo shaqo adag ma dareemin inay isu qalmaan.
“Boqol doollar bishii inaan u babac-dhigo gawaarida qaraxa sida ee kasoo gudbi kara albaabka wax yaab leh ayay haatan u muuqataa oo aan ka fekero.”
Mid ka mid ah ilaalada maalintii ayaa ku xiray saaxiibbo joogay gobolka xadka anigana “waddooyinkaas ayaan ku safrayay wixii intaa ka dambeeyay”.
“Sanadkii 2015 waxaan safarkiiba ku helayay $150, marka loo eego hadda oo aan $350 safarkiiba ku helo maalmahaasna aad ayay u khatar badnaayeen sababtoo ah al-Shabaab ayaa dhul badan xukumayay, marka khatar ayaad ugu jirtay inaad in badan la kulanto.
“Xitaa burcadda iyo maleeshiyaadka markaas ayay khatar badnaayeen.
“Haddii aad leedahay ilko guduudan ama bunni ah, maleeshiyaadka waxay qiyaasayaan inaan khaat cunto oo aad sigaar cabto, taasoo ka dhigan inaad lacag heysato marka way ku afduubanayaan madax-furasho ayayna kuu heysanayaan.
“Darawallo ahaan wax badan ayaan wajaheynay khatartuna weli waa jirtaa,” ayuu yiri Diiriye.
Haddii ay qabtaan dagaal-yahannada al-Shabaab waxay noqon kartaa khatarta ugu badan maaddaama kooxda hubeysan aysan dulqaad u heyn waxbaayaha kotorobaanka ah, gaar ahaanna aalkolada. Kooxaha Islaamiyiinta ee kacdoonka wada ayaa gaariga dab qabadsiinaya kadibna xiraya kuwa wada kahor inta aysan ganaaxin.
Ragga kale ee hubeysan ayaa si fudud loo laaluushi karaa iyadoo la siinayo lacag amaba khamro.
Celcelis ahaan toddoba ilaa sagaal maalmood ayay qaadataa in la gaaro Muqdisho marka laga soo baxo xadka Itoobiya. Dadka sida qarsoodiga ah usoo geliya aalkolada ayaa kusoo degta meelo ay dhigaan oo la sii diyaariyay.
“Marka aan nimaadno, koox rag ah ayaa na qaabila waxayna dejiyaan cunnooyinka caadiga ah oo ay gaari kale ku raraan. Kadib, marka howshaas dhammaato, qof kale ayaa imaanaya, mararka qaar wax hal gaari ka badan ay wehliyaan waxayna qaadaan kartoomaha aalkolada,” ayuu yiri Guuleed.
“Balse intaas kuma ekaato. Marka ay aniga iga wareegto, gacmo badan ayay mareysaa, waxayna ugu dambeyn gashaa gacanta ganacsatada gudaha, oo si fudud telefoon loogu wici karo.”
Guuleed ayaa aalaaba ka fekera markuu galayay safrinta qarsoodiga ah, iyo halka mustaqbalkiisu ku dambeeyo.
“Deriskeyga Abshir oo markii hore i baray safrinta qarsoodiga ah ee aalkolada, ayaa joojiyay ganacsiga saddex sano kahor.”
Abshir ayaa wiil uu abti u yahay, oo soo qalin-jebiyay balse shaqo heysan markaas siiyay shaqada safrinta qarsoodiga ah. Balse waxaa lagu dilay safarkiisii saddexaad kadib iska hor imaad ay kala kulmeen burcadda.
“Wixii intaa ka dambeeyay Abshir ayaa ka baxay shaqada safrinta qarsoodiga ah. Wuxuu noqday qof dhanka diinta iyo Alle u jiheystay. Inta badan ma arko.”
Iyadoo khatartu ay jirto, Guuleed marnaba ma hakanayo.
“Geeridu waa wax aan la hureyn. Uma oggolaan karo cabsi inay iga hor istaagto waxa aan nolol-maalmeedka ka dameeyo. Hubaal, mararka qaar waxaan rabaa inaan furaha miiska saaro oo aan kow kasoo billaabo balse ma fududa. Wax igu riixaya ayaa meel walba yaalla saboolnimaduna way jirtaa.”
Dhammaanbamagacyada sheekadan ku jira waa la beddelay.
=XIGASHO BBC SOMALI=