MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay mid ka mida kulamadoodii caadiga ahaa kaasoo looga doodaayay Hindise sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka,wuxuuna ku furmay kooramka 140 xildhibaan.

Sidoo kale shirka maanta oo looga hadlayaay dhameystirka akhrina koowaad hindise sharciyeedka taciinta sare  ayaa waxaa shir gudoominayay maanta Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka C/laahi Cumar Abshirow.

Advertisement

Dood dheer iyo turxaan bixin kadib Xildhibaanada ayaa  cod buuxa waxay ku ansixiyeen Hindise sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka, waxaana haa u codeysay 138-Xildhibaan halka 2 Xildhibaannna ay ka aamuseen.

No description available.

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka C/laahi Cumar Abshirow ayaa sheegay in 140 xildhibaan oo soo xaadirtay ay dhamaantood u codeeyeen Hindise sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka marka laga reebo 2 xildhibaan oo ka aamustay,wuxuu intaasi ku daray inaanu jirin hal xildhibaan oo xitaa diiday.

Wasiirka Cadaalada oo isna ansixinta ka dib hadal ka jeediyay xarunta Baarlamaanka ayaa uga mahdceliyay xildhibaanada mooshinka ay keeneen sida ay u meel mariyeen isagooma ku tilmaamay fulinta  mid ka mida wada-shaqeynta u dhexeysa Golayaasha Dowlada.

No description available.

“anigoo ka wakiil ah wasaarada caadalada Waxaan idinka mahad-celineynaa  sida aad mooshinka uga doodeen , u niqaash-teen, oo aad u toosiseen, oo aad waajibkiina uga gudateen “ayuu yiri Wasiirka Cadaalada Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No photo description available.No photo description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here