Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle oo wada dalaallo la xariira sidii loogu diyaar garoobi lahaa abaarta la saadaalinayo, loona yareyn lahaa khatarta ka dhalan karta, ayaa kulan wax-ku-ool ah la qaatay Safiir ku xigeenka Safaaradda Turkiga, Ozan Can Gumus iyo Madaxa howlgalka Soomaaliya ee Hay’adda Bisa Cas ee Turkiga, serif simsek.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii Dowladda Turkiga gacan uga geysan lahayd howlaha ka hortagga La-nina iyo sii laba jibaaridda kaalmada bani’aadannimo, Safiir ku xigeenka ayaana ballan-qaaday in Turkiga ay dhawaan dalka keeni doonaan gargaar loogu talagalay dadka nugul ee garab istagga u baahan.

Advertisement
Yaboohaan ka yimid Turkiga ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii Hay’adda SoDMA ku dhawaaqday in abaarta la saadaalinayo ee La-nina ay saameyn ku yeelan karto in ka badan 16 degmo, iyo in dhaqaale ahaan loo baahanyahay 30 milyan dollar, si wax looga qabto.
May be an image of 2 people, suit and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here