Kadib markii Khawaarijta ay ku jabeen Fagaarraha dagaalka waxay bilaabeen inay Casriyeeyaan dhagartii ay ku gumaadi jireen Shacabka kuna dhibaateyn jireen Amnigooda.

Sawirka hoose waa Miinooyin maanta lagu Fashiliyay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, Hey’adaha Amniga oo la socda Xeeladaha Cusub ee ay Khawaarijta bilaabeen inay dhagartooda u isticmaalaan ayaa gacanta ku dhigay Shabakad qaraxyadan Magaalada ku soo gelisay Jawaano Bariis ah oo ay ku soo dhex qariyeen.

Advertisement
Ururka 141-aad ee Guutada 14-ka October iyo Ciidanka NISA ee degmada Marka oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay Fashilinta dhagartan ay Arxan-laawayaasha Khawaarijta usoo dusin rabeen inay ku daadiyaan dhiigga bulshada Marka Cadeey.
=XIGASHO WARBAAHINTA QARANKA=No photo description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here