Lt. Gen. Michael Langley Taliyaha ciidamada Marines-ka Mareykanka ee ka howl gala Afrika General Michael Langley ayaa wareysi gaar ah oo uu dhawaan Muqdisho ku  siiyay Idaacada VOA kaga hadlay arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto al-Shabaab.

General Michael Langley ayaa soo hadal qaaday kulan uu  dhawaan Muqdisho kula yeeshay Madaxweynaha Sooaamliya Xasan Sheekh iyo Taliyaha Milatariga Soomaaliya Ibrahim Sheekh Muxudiin Waxayna isla soo qaadeen dagaalada Dowladu kula jirto Alshabaab.

Advertisement

General Michael Langley wuxuu sheegay in dagaalka Alshabaab laga gaaray guulo ku saabsan hadafkii ay ka lahaayeen Dowlada Somalia iyo Dowlada Mareykanka.

Srakaalkaan wuxuu cadeeyay in Dowlada Mareykanku Dowlada Somalia ka saacido dagaalada,wuxuu carabka ku adkeeyay in Milatariga Soomaaiya uu guulo waa weyn ka gaaray dagaalka ay kula jiraan.

“Xasan Sheekh wuxuu ii sheegay in Ciidamada Somalia yihiin kuwo curdun ah oo hada uun dhismaya,balse marka howlgalka la eego waxaa jira waqtiyo aad weerar ku qaadi karto caddowgaada oo aad gaarto hadafyo, waxaad ka nadiifisaa Gobolada qaar oo aad sameysaa howlgalo lagu soo celinaayo xasiloonida markaa waxaan aragnaa in howlgaladaani ay guuleysteen”ayuu yiri General Michael Langley.

Taliyaha ciidamada Marines-ka Mareykanka ee ka howl gala Afrika oo xilkaan qabtay bishii agoosto sanadkii 2022 ayaa carabka ku adkeeyay intii shaqada hayay inay Milatariga Soomaaliya guulo waa weyn ka gaaren dagaalka Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here