Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay dhageysiga 2-aad ee Dacwadda eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu gubay Xaaskiisa Luul Cabdicasiis
Dacwadaan ayaa soo martay Maxkamadda darajada 1-aad ee gobolka Banaadir iyo sidoo kale Maxkamadda Rafcaanka ee gob, ugu danbeyna ay u geeriyootay.

Maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegtay in ay diiday Rafcaanka ay kasoo qaateen Qareenadda eedeysane Sayid Cali Macalim Daa’uud xukunkii Dilka toogashada ahaa ee Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir hore ugu soo xukuntay.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa aqriyay go’aanka Maxkamadda sare ee dalka kaasoo uu ku cadeeyay inay xukunkii hore ee dilka ahaa ku raaceen sidaana lagu soo afjaray kiiskaan oo mudo soo taagnaa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 2 people and people studying
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here