Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmex ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay Bisha Mowliid ee dhalashada Nabigeema Muxumed Sallaahu Caleyhi wasalam.

Bishaan Mowliid waxaa guud ahaan Caalamka Muslimiintu ku dhigaan munaasabado lagu weyneynaayo dhalashadii Nabigeena Muxumed Sallaahu Caleyhi wasalam.

Advertisement

Haddaba qoraalka Xildhibaan  Shariif  sheekh axmed ayaa sidan u qornaa:-

Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha ugu badan ee laga dareemo Bisha Mowliid gaar ahaan isu soo baxyada dariiqooyinka suufiyada kuwaasoo xoolo badana u qala  sadaqo ahaan inta uu socdo xuska dhalashada Nabigeena Muxumed Sallaahu Caleyhi wasalam.

Waxaan dhammaan umadda soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta adduunka ugu hambalyeynayaa Dhalashada Nabigeena Suuban ee Muxamed NNKH.

Dhalashadda Nabi Muxamed (NNKH) adduunkan wuxuu u ahaa waa cusub oo u baryay, Suubanaha waxa uu na dhaxalsiyay Wanaag fara badan iyo wadiiqooyin suuban oo ku dayasho mudan.

Waxaan ku baraarujinayaa umadda Soomaaliyeed in fursadan qeymaha leh in ee uga faaideystaan barashadda Soyaalkii Subanaa ee nabigeenna Muxamed (NNKH).

Waxaan Alle weydiisaneynaa in uu naga yeelo kuwa raaca sunnadiisa.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here