Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa xafiiskiisa kulan soo dhowayn ah kula qaatay Danjira Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Ciraaq Mudane Ridwaan Xersi Maxamed.

Guddoomiyuhu wuxuu Danjiraha la wadaagay kalmad dardaaran ah oo ku saabsan waajib gudashada howlaha Qaranka iyo in la dardar geliyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Iraaq, gaar ahaan dhinacyada isku-xirka Baarlamaannada labadal.

Advertisement
Dhinaca kale Safiirka ayaa sidoo kale maanta kulan la qaatay guddiga saaxiibtinimada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Ciraaq, iyagoo ka wada hadlay arrimaha shaqada loo igmaday guddigaas iyo sidii loo amba qaadi lahaa iskaashiga iyo xoojinta wadashaqaynta labada Baarlamaan oo hadda samaystay guddiyo saaxiibtinimo oo ka shaqaynaya horumarka iyo isku xirka labada dal.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.May be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here