Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul-Wanaagga Maaliyadda ee magaciisa loo soo gaabiyo FGC, kaas oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka ee wada-shaqeynta la leh Dowladda.

Shirkaan waxaa ka soo qeybgalay xubno ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Maareeyaha Dakadda Muqdisho, Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Xubno matalayay Saaxibada Caalamiga ah ee Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saaray horumarka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha, xoojinta nidaamka Maamulka Maaliyadda iyo casriyeynta hannaanka iibka qaranka.

Advertisement
Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay ku dhaqmidda nidaam ay ku dheehan tahay daah-furnaan iyada oo la raacayo habka Maareynta Maamulka Maaliyadda Guud, waxa uu sidoo kale tilmaamay Wasiirka in dadaal xoogan loogu jiro sidii loo kobcin lahaa daqliga si loo gaaro isku filnaan dhaqaale.
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 3 people, people studying and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people, newsroom and textMay be an image of 8 people, people studying, table and textMay be an image of 1 person, newsroom, dais and textMay be an image of 6 people, people studying, suit, table and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here