Taliyaha taliska taakulaynta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed G/dhexe Ibrahim Maxamed Maxamuud ayaa gaaray deegaanka number 50 ee gobolka shabeellada hoose.

Ujeedka safarka taliyaha ayaa ku qotamay indha indhaynta xaalada deegaanka oo dhawaan taliska taakulaynta ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed qorshaynayo inuu xarun caafimaad uga hirgeliyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka howlgelaya shabeellada hoose.

Advertisement

Sidoo kale taliska taakulaynta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa deegaanka numbers 50 ka hirgelinaya talis taakulayn oo ka howlgelaya gobolka shabeellada hoose si loo dhamaystiro baahiyaha gaarka ah ee geesiyaasha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee ka howlgelaya gobolka shabeellada hoose.

Ugu dambayn taliyaha ayaa kulamo la qaatay qaar kamida saraakiisha ciidanka xoogga dalk soomaaliyeed ee ka howlgala gobolka shabbellada hoose iyo gudoomiyaha deegaanka number 50 , isagoo ka dhagaystay warbixinta deegaanka iyo tan guud ee gobolka.
May be an image of 3 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 6 people and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 4 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here