MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-War ay soo saareen Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayay ku shaaciyeen inay beri xiri doonan ilaa amar danbe ganacsiyadooda, magaalada Muqdisho sida suuqyada guud ahaan Magaalada Muqdisho ku yaal.

Ganacsatada ayaa ka cabaneysa canshuurta ay soo kordhisay wasaarada maaliyada Soomaaliya taasoo shaacisay inay beri oo 18-ka Agosto ku beegan ay bilaabi doonaan lacagaha la isku diro inay wax ka goosan doonaan marka wax la kala iisado.

Advertisement

Hadii beri laga dhabeeyo in la xiro Suuqayada waa weyn waxay culeys ku noqon doontaa dadka garab raratada ah ee alyoomka shaqeysta islamarkaana aan ku tiirsaneyn lacag dibada laga soo diro,sidoo kale dowlada ayay dhib ku tahay madaama ay suuqyada lacago fiican ka hesho si joogta ah.

Sidoo kale Ganacsatadu waxay qoraalkooda ku sheegeen inay joojiyeen badeecadihii ay dekada kala soo degi jireen,iyo la soo bixida kuwa hada dekada ka yaal.

Ganacsatadu waxay xuseen inaysan dib u furi doonin ganacsiyadooda islamarkaana aysan dekada isticmaali doonin ilaa iyo inta Dowladu wax ka qabaneyso cabashadooda.

Hadaba warqada ganacsatada ka soo baxday halkaan hoose ka akhriso:-

May be an image of text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here