Bangladesh protestDHAKA (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan 91 qof ayaa ku dhintay, oo ay ku jiraan 13 askari oo booliis ah, tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen rabshado cusub oo ka dhacay dalka Bangladesh iyadoo booliisku ay ku rideen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bam gacmeedyo.

Booliiska ayaa ku dadaalaya inuu xakameeyo oo kala eryo tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah oo dib ugu soo laabtay waddooyinka iyagoona ku qeylinaya Ra’iisulwasaarada  Sheikh Hasina inay is casisho.

Advertisement

Dhimashada dadkan ayaa waxaa soo shaaciyay  booliska iyo dhakhaatiirta, gaar ahaana caasimadda Dhaka iyo degmooyinka waqooyiga sida  Bogura, Pabna iyo Rangpur, iyo sidoo kale Magura ee galbeedka, Comilla oo ku taal bariga, iyo Barisal iyo Feni oo ku yaal koonfurta.

Weerarka lagu dilay booliska ayaa ka dhacay saldhiga booliska ee Enayetpur oo ku yaala waqooyi galbeed ee magaalada Sirajganj, sida uu sheegay ku xigeenka isbatooraha guud Vijay Basak oo ka tirsan booliska Bangladesh.

Kooxda weerarka geysatay ayaan la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin,Dibad-baxayaashu waxay dalbanayaan in Hasina ay is casisho.

Mudaaharaadka ayaa bishii hore ku bilowday kacdoonka ardeyda oo ka cabanayay dhanka nidaamka shaqooyinka looga helo Dowlada bale wuxuu isku badalay  rabshado Dowlada looga soo horjeedo oo dad badana ay ku dhinteen.

Ra’iisulwasaaraha Hasina waxay sheegtay in kuwa ku hawlan kicinta bulshada iyo burburinta magaca mudaaharaadyada aysan hadda ahayn arday, balse ay yihiin dambiilayaal, waxayna sheegtay inay gacan bir ah ku qabanayaan.

Dowlada ayaa xannibtay isticmaalka internet-ka waxayna soo rogeen bandow toogashada ah, Ugu yaraan 11,000  qof ayaa la xabsiga la dhigay toddobaadyadii la soo dhaafay.

           SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Bangladesh protestBangladesh protestBangladesh protest

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here