TEL-AVIV (DAYNIILE.COM)-Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drone-ka ayaa weerar ku qaaday magaalada Tel Aviv ee dalka Israa’iil, waxaana ku dhintay hal qof, 10 kalena way ku dhaawacmeen.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay baarayaan weerarka iyo sababta ay difaacyada waddanku ugu guul-darreysteen inay ka hortagaan ‘bartilmaameedka hawada’.

Advertisement

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar ay u adeegsadeen drons oo ka dhacay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil, kaas oo uu ku dilay hal qof ugu yaraan 10 kalena uu ku dhaawacmay, sida ay wararku sheegayaan.

Afhayeen u hadlay ciidamada qalabka sida ee Xuuthiyiinta ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay Jimcaha maanta in kooxdoodu ay taageero siinayaan reer Gaza ,islamarkaana ay sidaas weerarka u fuliyeen.

Kooxda Xuutiyiinta Waxay sheegtay inay adeegsatay diyaarad aan duuliye lahayn oo cusub kaasoo awood u leh inay ka gudubto nidaamyada is-dhexgalka oo aanay awoodin inay ogaadaan radar.

Milatariga Israel ayaa sheegay in ay fureen baaritaan ku saabsan qaraxa weyn oo ka dhacay meel u dhow xafiiska safaaradda Mareykanka ee magaalada ayna go’aamin doonaan sababta nidaamka difaaca hawada ee dalka aan loo hawlgelin si ay uga hortagaan bartilmaameedka hawada.

“Waxaan ka hadlaynaa diyaarad weyn oo UAV ah  Drons  kaas oo duuli kara masaafo aad u badan” sidaas waxaa yiri  sarkaal ka tirsan milatariga Yuhuuda kaasoo warbixin kooban  siiyay saxafiyiinta ka dib weerarka Tel-aviv.

Ciidamada cirka ee Israa’iil ayaa kordhiyey roondooyinka ilaalinta hawada dalka, sida ay shaaciyeen millatariga Yuhuuda oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.

Booliska Israel ayaa sheegay in meydka nin laga helay guri ku dhow halka uu ku dhacay gantaalka Drons-ka ay soo tuurtay.

Muuqaal laga soo duubay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya muraayado jabay oo daadsan hareeraha laamiyada, iyadoo dad badan oo daawanayay ay isugu soo baxeen meel u dhow dhismo ay ka buuxaan calaamadaha qaraxa. Goobta waxaa xiray cajalad boolis ah.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

People gather at the scene of an deadly explosion in Tel Aviv, Israel, early Friday, July 19, 2024. (AP Photo/Erik Marmor)

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here