CABUD-WAAQ (DAYNIILE.COM)-Nasteex Cabdi oo ah Agaasimaha amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Caabudwaaq ayaa ka hadlay hubka gacanta u galay  shacabka Degmadaasi iyo cabsida laga qabo in Dowladu awood ciidan ku soo celiso hubka.

Masuulkaan oo wareysi siiyay Idaacada Kulmiye ayaa ka digay in Dowladu isku deydo inay awood ciidan u adeegsato shacabka isagoona dhanka kale carabka ku addkeyay inay Dowladu ku dhiiran karin arintaasi.

Advertisement

mar uu ka hadlayay sida ka haboon dagaal inay Dowladu ku qaado Cabudwaaq ayuu sheegay inay wado kale wax ku raadiso si xal loogu helo hubkaasi gacanta u galay shacabka.

“ilama haboon in shacab la gumaado xal ay noqon karto mana ku dhiiran karto Dowladu waayo hubkaasi markii horaa si sharci daro ah ayuu ku yimid Magaalada Cabud-waaq mana aanan dalban anagu”ayuu yiri Agaasime Nasteex

.Nasteex wuxuu ugu baaqay Dowlada inay adeegsato xeelad aan gacan ka hadal ahayn si hubkaasi loo xakameeyo.

“Dowladuna kuma dhiiran karto shacab meel dagan intay  gumaado,sidoo kalana ma jirto maamul Degmo oo awood shacabka uga soo celin kara hubka” ayuu mar kale yiri Nasteex Cabdi.

Dhanka kale Masuulkaani wuxuu tilmaamay in Dowladu hadii ay talaabo qaadeyso ay tahay inay talaabo ka qaado kuwii hubka sharci darada dalka soo geliyay balse aysan ahayn marna xal noqon karin in shacab la weeraro.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here